Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Kamala Harris oo weerar culus ku qaaday Donald Trump

Jul 24 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa durtaba weerar hor leh ku qaadday Donald Trump isu soo bixii ugu horreeyay ee ololaheeda Aqalka Cad, iyadoo ku tilmaantay doorashada November mid ay ku kala dooranayaan dacwad oogaha hore iyo dembiilihii la xukumay.

Iyadoo la hadleysay dad gaadhaya 3,000 oo qof oo ku sugnaa gobolka lagu dagaalamayo ee Wisconsin, Ms Harris ayaa khiyaamolayaal ku tilmaantay xisbiga ay is hayaan Jamhuuriga, ayna ay sheegtay in ay ahaayeen iyagu ciddii dacwadda ku oogtay danbigaas dartiis.

la mid noqotay mucaaridkeeda Jamhuuriga iyo kuwa wax khiyaano ee ay sheegtay in ay dacwad kusoo oogtay.

Dhanka kale, Trump wuxuu weeraray rikoorkeeda xadka, wuxuuna soo dhigay baraha bulshada: “Lyin’ Kamala Harris waxay burburisaa wax kasta oo ay taabato!”

Trump ayaa isna ku eedeeyey in ay been sheegayso, sida soo dhigay baraha bulshada ‘in ay burburiso wax kasta oo ay taabato’.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii ay heshay taageerada aqlabiyadda ergooyinka Dimuqraadiga, taas oo u gogol xaadhaysa in ay noqoto murashaxa xisbigaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More