Madaxweyne Lafta Gareen oo safiirka Sweden kulan kula yeeshay magaalada Nairobi

Nov 11  (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Amb Joachim Waern oo ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada, Amniga, Mashaariicda iyo Arimaha Biniadanimada.

Danjiraha Dowladda Swden ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golaha Wasiirada uga Mahadceliyey sida dhow ee Wada-shaqaynta ula leeyihiin waxaana uu xusay in kan Safaarad ahaan ay Xoojin doonan Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed ee ay ka fulinayaan Deeganada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka, Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More