Madaxweyne Museveni oo ka hadlay 41 qof oo Daacish ku dishay dalka Uganda

Jun. 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpondwe, koofur-galbeed Uganda, halkaasoo maleeshiyaad lala xiriirinayo kooxda IS ay ku dileen 41 qof.

“Gumaadkan cusub ee xubnaha ADF waa dembi, kalsooni la’aan, argagagixisannimo iyo wax ma tarnimo ah,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Ilaa 37 ka tirsanaa ardayda Mpondwe Lubiriha Secondary school, waardiye iyo saddex qof ayaa ku dhintay weerarkaas.

Lix la rumeysan yahay inay arday ahaayeen ayayna weerar yahannadu afduubteen lana aadeen dalka Congo.

Weli ma cadda sababta iskuulka, oo hore loo yiqiinnay Nyabugaando Peter Hunter Secondary School uu bartilmaameedka u noqday.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee Uganda, Janet Museveni oo sidoo kale ah wasiirka waxbarashada dalkaas ayaa labadooduba su’aal geliyay maamulka iyo cidda leh iskuulka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More