Madaxweyne Muuse Biixi oo war kasoo saaray magacaabista ergeyga cusub

Apr. 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabey Ergey Gaar ah ee arrimaha Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa go’aankan ku sheegay inuu yahay talaabo hore loogu qaaday dhinaca wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ergeyga ku sifeeyay mid wax badan ka fahansan siyaasada iyo howsha loo xil saaray.

“Shalay waa tii la magacaabay ergay, arrintaana waxaanu u aragnaa talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, ninkaa loo magacaabayna waa nin aqoon badan u leh siyaasada dalalka oo anagu waa soo dhawaynaynaa” ayuu yiri madaxweyne Biixi

Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista ergeyga, iyagoo sheegay iney la shaqeynayaan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More