Madaxweyne Trump oo saxiixay tobnaan amar madaxweyne oo cul culus

Jan 21 (Jowhar)-Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobnaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.

Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mid ah taageerayaashisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.

Amarrada Sharci ee uu saxiixay Teump ayaa kala ah;

1. Cafinta Dhamaan dadkii ku eedaysnaa kiiskii January 6th ee rabshadii xarunta baarlamaanka sanadkii 2021.

2. Ka bixitaanka hay’ada caalamiga ah ee Caafimaadka aduunka (WHO).

3. Xidhitaanka xuduudaha koonfureed ee maraykanka.

4. Ka bixitaanka heshiiskii xakamaynta isbadalka cimilada aduunka ee Paris.

5. Mamnuucida dadka aan lahayn jinsiga asalka ah ee (Lab iyo dhadig ) ee kamid noqoshada  milatariga iyo Laalitaanka amarkii madaxwayne Biden ee u garbinayay reer luudka.

6. Joojinta aqoonsiga maraykanka ee ay heli jireen caruurta ku dhasha dalka ee aan waalidkood sharciga ku joogin maraykanka (Birth Citizenship).

-FG. Waalidku haduu sharci haysto arintani ma saamaynayso . Kaliya waxay khusaysaa ilmaha ay dhalaan waalidka sharci darada ku jooga maraykanka.

7. Ka qaadista cunaqabataynta Biden uu kusoo rogay maamulka Netanyahu.

8. Joojinta hawlaha qaxootiga lagu keenayo maraykanka.

9. Mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo kooxaha daroogada  soo galiya maraykanka oo argagixiso shisheeyo loo aqoonsado.

10. Hirgalinta wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaarada xaqiijinta shaqooyinka dawlada loona soo Gambino DOGE.

Trump ayaa saxeexay ku dhawaad 200 Bayaan amar madaxwayne ah kuwaas oo dhamaantood saamayn ku leh siyaasada caalamka ee maraykanka iyo tan gudahaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More