Madaxweyne Trump oo xilal dhowr ah magacaabay ka hor inta uusan xafiiska qaban

Nov 12  (Jowhar)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Thomas Homan, oo mar soo noqday ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka teeramki koowaad ee Trump, Isniinti shalay u magacaabay in uu noqdo agaasimaha arrimaha xuduudaha Mareykanka.

Trump ayaa u arka Homan nin fulin kara ballan-qaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa in uu Mareykanka ka masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aanan heysan dukumintiyada sharciga ah ee dalkaan, arrintaas oo uu ku tilmaamay Trump tarxiilki ugu weynaa taariikhda Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa arrimaha bulshada ee Truth, ayuu Trump ku sheegay habeenki ay Isniinta soo galeysay in Homan oo 62 jir ah uu madax ka noqon doono arrimaha xuduudaha, laga soo billaabo xadka koofureed ee Mexico ilaa xadka waqooyi ee Canada.

Trump ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Aqalka Cad u magacaabo Stephen Miller, oo lagu sheego in uu yahay maskaxda ka danbeyso siyaasadda dhanka socdaalka ee madaxweyne Trump.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhanka kale Isniinti ku warrantay in Trump uu Wasiirka Arrimaha Dibadda uu u magacaabi doono
Marco Rubio oo ah senator laga soo doorto Florida.

haddii ay dhabowdo, waxa uu Rubiyo noqon doonaa, qofki ugu horreeyay ee kasoo jeedo bulshooyinka Laatiinooga-Mareykanka ah ee madax u noqda Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dib ugu laaban doono Aqalka Cad, 21-ka bisha January markaas oo uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha xafiiska ka sii tagaya ee Joe Biden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More