Madaxweyne Xasan ” Itoobiya waxey qabsatay garoomadii diyaaradaha iyo wadooyinkii Gedo”

Sep 29 (Jowhar)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefeshinka Al-jazeera waxa uu ku sheegay in Itoobiya ay qabsatay qaybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan garoomadii diyaaradaha iyo waddooyinkii muhiimka ahaa ee gobolka Gedo.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kale oo uu caddeeyey in tan iyo markii ay  heshiiska is-afgaradka ah galeen Addis Ababa iyo Hargaysa ay Itoobiya hubkii ugu badnaa soo gelisey qaybo kamid ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhiagay.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxa uu dhinaca kale sheegay iney diyaar u yihiin iney iska difaacaan duulaan kasta oo uga yimaada dhinaca Itoobiya, isagoo ku faanay in Soomaali ay ku mideysan tabay qadiyadooda badda ee lagu soo xadgudbay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More