Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin ee xarunta dalka Jarmalka
Nov 05 (Jowhar)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mr Olaf Scholz.
Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka jarmalka Olaf Scholz, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimillada, horumarnita Booliiska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arrimaha deyn cafinta la dagaallanka Argagixsada, ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxana safarka Madaxweynahu soo cilinayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.