Madaxweyne Xasan oo booqday askar iyo Macwuusley kusoo dhaawacantay furimaha dagaalka

Feb 09(Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey ee ku jiraa Isbitaallada Xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan”.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More