Madaxweyne Xasan oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Sh.dhexe

Mar 25 (Jowhar)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee gobolka Sh.dhexe, iyadoo diyaarad gaar ah ay ka qaaday garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah dib ugu laabtay degmada Cadale oo uu maalmahan ka waday abaabulka gulufka ku foorara kooxda Al-shabaab, waxaana halkaasi uu kala soconayay halka ay marayaan dagaalada iyo duqeymaha kooxda ku socda.

Madaxweyne Xasan ayaa dadaalkiisa ugu badan ku bixinaya sidii beelaha gobolka loogu qancin lahaa iney dagaalka galaan oo ay deeganadooda kooxda ka xoreystaan, waxaana kulamada qeyb ka ah xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Si kastaba, madaxweyne Xasan ayaa laba cisho kahor dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si uu u qaabilo gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo booqasho hal maalin ah kusoo gaaray caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More