Madaxweyne Xasan oo diiday in ra’iisio wasaaraha Itoobiya uu wadahadal kula yeesho Shiinaha
Sep 07 (Jowhar) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiday inuu magaalada Beijing ee dalka Shiinah kula kulmo ra’iisio wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.
Xasan iyo Abiye ayaa dalkaasi ujooga ka qeybgalka shirka madaxda dalalka Afrika iyo Shiinaha oo uu furay madaxweynaha dalkaasi.
Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in madaxweyne Xasan uu ku gacan seyray dalab ay usoo jeediyeen madaxweynaha Jabuuti, madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo.
Xasan Sheekh ayaa shuruud uga dhigay aqbalida codsigaasi in marka hore Abiye baabi’iyoheshiiskii is-afgaradka ahaa uu la galay Somaliland, ka hor inta aan la gelin wada-hadal toos ah.
Waxaa haatan dib isugu laabanaya madaxdan wadahadalka u istaagay iyo Abiye, lamana oga in Itoobiya ay mowqifkeedii hore bedeli doonto.