Madaxweyne Xasan oo gudaha magaalada Jowhar u gali waayay burburka wadooyinka, kana laabtay garoonka

July. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha oo diyaarad gaar ah ka qaatay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ee Jowhar kulamo kula qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha ayaa intaasi kadib dib uga soo laabtay xarunta Hirshabelle.

Garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere waxa uu u dhexeeyay degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, isagoo qiyaastii 18KM u jira magaalada Jowhar.

Sababaha keenay in madaxweynaha uusan caasimada Hirshabelle gudaha u galin waxaa lagu micneeyay dhowr sababood oo ay kamid yihiin burburka wadada xiriirisa garoonka iyo madaxtooyada Hirshabelle, amni daro ka jirta wadadaasi oo qaraxyo mararka qaar la galiyo iyo biyaha wabiga oo xiliyada roobka ay xiraan wadada, taasoo keento in dadka garoonka ka duulaya ama kasoo dagaya ay isticmaalaan Doomo.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhxexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay wax ka galayaan dalalka dariska ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More