Madaxweyne Xasan oo ku dhawaaqay hadal saameynaya wadahadalada Somaliland

Apr. 16 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay wadahadalada la filayo inuu la yeesho madaxweynaha maamulka Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadalka, wuxuuse meesha ka saaray rabitaanka Somaliland ee ah iney ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

“Diyaar ayaan u ahay in aan wadahadal fool-ka-fool ah la yeesho madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. [Laakiin] marka ugu dambeysa ma jireyso kala go’itaan, waxay qeyb ka yihiin Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

Si kastaba, Jabuuti ayaa lagu wadaa iney marti galiso wajiga koowaad ee wadahadalada, madaxweyne Xasan ayaa ergay gaar ah u magacaabay wadahadalkan, waana C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo Somaliland ay soo dhaweysay.

Wadahadalka ayaa ku bilaabanaya xili Somaliland ay dalbaneyso go’itaan iyo xukuumada Muqdisho oo madasha la tageyso in tabashadooda la xaliyo, Jamhuuriyada Soomaaliyana ay kasii mid ahaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More