Madaxweyne Xasan oo ku wajahan xerada ciidamadda Mareykanka ee Balidoogle

Oct 09 (Jowhar)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan xerada Balidoogle ee ku taala gobolka Sh.hoose, halkaasoo Mareykanka ay ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo munaasabad tababar loogu soo xirayo ciidamo kamid noqonayo Danab, wuxuuna u jeedin doonaa fariin dardaaran ah.

Ciidankan ayaa tababar qaadanayay mudo 45 cisho ah, iyagoo la filayo in madaxweynaha min hal xidig darajo ah inuu ka sifo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu askartan u adeegsado fulinta howlgalo ka dhan ah kooxda ah Al-Shabaab, walow warar kale ay tilmaamayaan inuu madaxweynaha si gaar ah howlo uu isaga ugy fushan rabo askartan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More