Madaxweyne Xasan oo kulamo la qaatay Saraakiisha Xoogga dalka iyo NISA
Jan 19 (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer maanta ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS.
Madaxwaynaha ayaa kulammo la qaatay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adda Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo Kooxaha argagoxosada.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.