Madaxweyne Xasan oo kulank gaar gaar ah la qaatay xildhibaanada kahor furitaanka baarlamaanka
Feb 22(Jowhar)Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ilaa shalay ayaa si gaar gaar ah oo beelaha ay u kala matalaan u qaabilay Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka Federaalka, ka hor furitaanka Kalfadhiga 6aad ee maanta.
Kulankan ayaa ahaa mid kala war-qaadasho iyo warbixin uu Madaxweynuhu siinayay Xildhibaannada, waxaana uu ahaa mid diyaar garow u ah kalfadhiga 6aad ee maanta si rasmi u furmi doono.
Madaxweynaya ayaa saddex qodob kala hadlay Xildhibaannada, sida arrinta doorashada qof iyo cod, dagaalka Argagixisada iyo guuxa mooshinka la damacsan yahay in laga keeno Xukuumadda, isagoo tilmaamay mar kasta oo Baarlamaanka fasax ka soo laabto ay caado aheyd mooshin in la keeno.
Arrinta doorashada qof iyo cod ayuu xusay in ay tahay arrin ay ka go’an tahay, waxaana uu xusay in aan lala barbar dhigi karin tii Farmaajo uu damacsanaa inuu qabto oo aheyd xilli uu waqtiga ka dhamaaday, isagana waqtiga u harsan uu ku qaban karo, isla markaana diyaar garowgeeda goor hore la sii bilaabay, wuxuu kaloo intaa ku daray in dhowaan dalka la keenayo qalabkii doorashada ee dadweynaha lagu diiwaan gelin lahaa, Guddigana uu arrintaas shaqo fiican ka wado.
Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in si rasmi ah Madaxweynuhu u furo kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka, waxaana kalfadhigan uu ka duwanaan doonaa kalfadhiyadii hore maadaama uu yahay kan ugu dambeeya ee awooddaha Baarlamaanka, maadaama muddo xileedka baarlamaanka uu ka harsan yahay hal sano.