Madaxweyne Xasan oo loo gudbiyay natiijada hordhaca weerarkii kuliyada Jaale Siyaad

July. 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd weerarkii Shabaab todobaadkii hore ay ka geysatay gudhaa xerada Kuliyada Jaale Siyaad.

Madaxweynaha oo dalka ka maqnaa xilliga uu dhacayay weerarkaasi, balse haatan soo laabtay ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, isaga oo ka hadlay ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta gudaha u dusiyay in madaxweynaha warbixin hordhac ah laga siiyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay, khasaaraha ka dhashay iyo xogta ismiidaamiyaha oo ay ku jirto sida uu bartilmaameedkiisa ku gaaray.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu taliyayaasha ciidamada uu la kulmay uu faray iney si dhab ah u qaataan mas’uuliyada fashilka weerarkaasi, wuxuuna dalbaday iney si deg deg ah loosoo afjaro barista si shacabka loola wadaago oo ay cid gaar ah u qaadato dyaacaasi amni.

Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada, kadibna beegsaday ciidamadaas, xilli ay ku jireen safaf dhaa dheer.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaallada Marka, waxaana weerarkan laga keenay su’aallo ku aadan in kooxda Shabaab lagala shaqeeyay qaraxaas, maadaama Kulliyadda Jaalle Siyaad ay tahay meel la ilaaliyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More