Madaxweyne Xasan oo maanta Adis-ababa u tagaya la kulanka Abiye Axmed
Jan 11 (Jowhar)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinka danbe ee manata la filayaa inuu u dhoofo magaalada Adis-ababa ee Caasimadda aan dalka lehyn ee Itoobiya.
Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu halkaasj wadahadal kula yeesho ra’iisul wasaare Abiye Axmed oo ay ka wada hadli doonaan dhaqan gelinta heshiiskii Ankara iyo qaabeynta doorka ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya.
Arrintan ayaa meesha ka saareysa hadalo uu fagaayaal dhowr ah ka sheegay madaxweynaha oo uu mar ku tilmaamay Itoobiya Cadawga Soomaaliya, taasoo dad badan ay la yaabeen.
Bishii labaad ee sanadkii hore ayaa madaxweyne Xasan ugu danbeysay Adis-ababa, markaas oo la isku dayay in laga hor-istaago ka qeybgalka shir madaxeedka Midowga Afrika, xili ciidamo Itoobiyaan ah ay isku dayeen iney hoteelka uu daganaa ay ku xanibaan madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan ayaa markii danbe soo raacay gawaaridii galbineysay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana xiligaasi cusbeyd xiisada ka dhalatay heshiiskii Badda ee Abiye iyo Muuse Biixi Cabdi.
Lama oga waxa kasoo bixi doona wadahadalada u bilaabanaya Xasan iyo Abiye, iyadoo ay kusoo aaday xili xiriirka madaxweyne Xasan iyo dowlada Kenya uu sidoo kale fiicneyn.