Madaxweyne Xasan oo maanta hortagaya baarlamaanka Soomaaliya
Nov 02 (Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortagaya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo u jeedin doona khudbad ku saabsab codsu uu wato iyo ka warbixinta xaaladda siyaasadeed iyo mida amni ee dalka.
Sida wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay tilmaamayaan, Madaxweyne Xassan ayaa ka codsan doono xildhibaanada in kalfadhigan aan la xirin, ayna ansixiyaan sharciyada doorashooyinka iyo guddiga oo markaas la magacaabi doono.
Qorshaha waxa uu ahaa in Lixda bisha uu xirmo kalfadhiga baarlamaanka, balse madaxweynaha ayaa dalbabaya inuu baarlamaanka shaqadiisa lagu daro bil ilaa 45 cisho.
Lama oga in mudanayaasha labada aqal ay aqbali doonaan codsiga madaxweynaha iyo inkale, waxaana xalay magaalada ka jiray guux la xiriira buuq hareynaya fadhigga maanta, iyadoo laga cabsi qabo in mudanayaasha qaar ay Firinbiyo soo qaataan.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan lasoo gaba gabeeyay shirkii golaha wadayashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, walow ay ka maqnaayeen madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland.