Madaxweyne Xasan oo maanta ka qeyb galaya shirka madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta ee Riyad
Nov 11 (Jowhar)-Sida lagu daabacay barta Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti la socda ayaa gaaray magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga.
Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya sida qoraalka lagu sheegay shir madaxeedka degdeg ah ee ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.
Shirkan oo ay isugu yeertay boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa looga hadli doonaa dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Qasa iyo Lubnaan iyo xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe, sida lagu sheegay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.
Qoraalka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inta shirkaasi uu socdo madaxweynahu kulamo gooni gooni ah la yeelanayo madaxda, Boqorrada iyo hoggaamiyaasha shirka ka qayb galaya.
Sacuudigu, wuxuu sheegay in shir madaxeedkan uu sii ambaqaadi doono shirkii sanadkii hore xilligan oo kale lagu qabtay Riyad.
Madaxda shirka ka qayb galaysa ayaa ku sii qul qulaya magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga.