Madaxweyne Xasan oo madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Jabuuti

Oct 30  (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More