Madaxweyne Xasan oo Maxaabiis is-dhaafsi kusoo koobay safarka RW Xamze ee Laascaanood

Apr 12(Jowhar)-Madaxweyne Xassan Sheekh oo kahadlayay madasha Antlya Forum ayaa sheegay in uu ra’iisul wqsaare Xamze u tagay magaalada Laascaanood, sidii loo abuuri lahaa jawi looga wada hadli karro wax uu ugu yeeray “Qalalaasihii” ka dhacay Laascaanood, taas ula jeedo dagaalkii SL lagu saaray.

MW Xassan Sheekh ayaa sheegay in ay DFS ka xun tahay dagaalkaas, aysan qeyb ka aheyn, kana noqon doonin xalkana ka shaqeynayso.

“Waa ka xunahay waxa halkaas ka dhacay oo ah qeyb ka mid ah Soomaaliya, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyana qeyb kama ahayn khilaafkaas, mana dooneyso in ay qeyb ka noqoto khilaafkaas gudaha ah.Sababta ugu weyn ee uu Raisalwasaaraha halkaas u tagayna waa xallinta khilaafkaas,raisalwasaaruhu halkaas uma joogo abuuridda colaado hor leh, sida dadka qaarkii baraha bulshada ku qoreen khilaafkaasna wali lama xallin. Waxaa jira maxaabiis ay kala heystaan labada dhinac, waxaa jirta in wali aan khilaafkaas la xalliyin.Raisalwasaaraha wuxuu halkaas u joogaa waxaabadashada caqabada qaar ee hortaagan xalka, si loo abuuro jawi ay labada dhinac kuwada hadli karaan oo si nabad ah isugu iman karaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa la aaminsan yahay in madasha Antalya in uu warkan ka sheego ka dhigan tahay fariin siyaasadeed oo aysan aheyn wax fudud & dood madasha taalay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More