Madaxweyne Xasan oo Odayaal iyo Saraakiil uu kula kulmay Cadale kala hadlay dagaalka Shabaab
Mar 22(Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale ee gobolka Sh.dhexe kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada.
Dhinacyada uu la shiray madaxweynaha ayaa balanqaaday iney dhiig cusub ku shubi doonaan dardar gelinta gulufka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo deegaano badan oo gobolka ah culeys laga saaray.
Madaxweyne Xasan ayaa habeenkii saddexaad ku hoyanaha gobolka Sh.dhexe, wuxuuna halkaasi ka dhigtay furin uu ka hago dagaalka Shabaab.