Madaxweyne Xasan oo safar ugu ambabaxay dalka Eritrea

Oct 09 (Jowhar)Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarka ku wehliyo wasiirka arimaha dibadda mudane Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al Siisi ayaa isaguna la filayaa inuu tago Eritrea oo ay yeeshaan kulan saddex geesood ag.

Si kastaba, Waa booqashadii 7-aad ee madaxweynuhu Eritrea kutagayo,24-kii bilood ee u dambeeyey, isagoo horey u sheegay in aysan Soomaaliya waxba tarin Istaraajina aheyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More