Madaxweyne Xasan oo saraakiisha Milatariga ka dhageystay warbixinta dagaalka Shabaab

Mar 19 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa xalay  kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweynuhu ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira.

Waxa ay soo bandhigeen sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi u tagay sidii uu u dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isagoo sidoo kale usii gudbi doona deegaano kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More