Madaxweyne Xasan oo sarkaal Imaaraatka Carabta ah ugu magac daray xerada Gen Gordan
Dec 02 ( Jowhar)Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo saaray u kala bedelay magacyada labada Xero ee Damaanyo iyo Gordon, waxaana Xerada Gen. Gordon loogu magac daray Col Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa Sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howlgalka Tababarka Imaaraadka, kaasoo 10-kii Febraayo 2024 lagu dilay Xeradaas.
Sidoo kale xerada Damaanyo waxaa loogu magac daray Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon).
Wareegtada xeerka Madaxweyne oo soo baxday isku waqti ayaa goor sii horeysay Baraha Bulshada waxaa qabsaday mid ka mid ah warqada magac ka bedelida Xeradii hore Gen Gordon loogu magac daray.