Madaxweyne Xasan oo shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Deni iyo Axmed Madoobe

Oct 30  (Jowhar)Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa si lama filaan ah uga hadlay khilasfka cirka sii galaya ee kala dhexeeya madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka sheegay casha sharafta uu u sameeyay Xildhibaannada labada Aqal, Guddoonka iyo Madaxda kale inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee maqan, haddii ay ogolaadaan uu u tagayo u safrayo.

“walaalaheena waa la hadleynaa, haddii ay noo ogolaadaan waa u safreynaa, haddii ay noo yimaadaan waa baryeynaa” ayuu yiri madaxweynaha.

Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo ku kala tegay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More