Madaxweyne Xasan oo sheegay inuu dalbay qalab lagu qabto doorasho qof iyo cod ah
Feb 22(Jowhar)Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdu ay bixisay mallaayiin dollar oo lagu soo iibiyay qalabka loogu tala galay qabashada doorashada qof iyo cod.
Wuxuu sheegay in Kalfadhigan laga sugayo inuu qaado tallaab kale oo dhameystirka Dastuurka, si Dastuurka uga baxo Qabyada.
“Baarlamaanka waxaan rabaa in aan u sheego in DFS ay bixisay malaayiin dollar oo lagu soo iibiyey qalab Digitaal ah oo doorashada qof iyo cod lagu qabanayo, doorashadu waa xaqiiqo wayna dhacaysaa, majirto sabab aan dalka qatar iyo xabad u gelino”. Ayuu yiri madaxweynaha.
Si kastaba, Musharixiin hore iyo siyaasiyiin kale ayaa saluug ka muujinaya doorashada uu madaxweynaha qorsheyanayo oo ay u arkaan mid aan xiligan dhici karin.