Madaxweyne Xasan oo shir ku saabsan maalgashiga beeraha ka furay Muqdisho
Oct 01 (Jowhar)-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha koowaad ee hormarinta silsiladaha maalgashiga beeraha dalkeena.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, waxaa ka qeyb galaya wasiirada beeraha waraabka dawlad Goboleedyada, ganacsatada maalgelisa beeraha iyo quburo caalami ah.
Ujeedka Shirkan ayaa ah dhiirigelinta maalgashiga beeraha si kor loogu qaado kobcinta ilaha dhaqaalaha dalka, waxaana uu socon doonaa muddo laba cisho ah.