Madaxweyne Xasan oo shirka culimada Soomalaiyeed ka furay Muqdisho
Jul 29(Jowhar.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed isla markaana ay soo qabanqaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa sanadkaan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin midnimada, iyo dhibaatooyinka ka dhasha khilaafaadka iyo kala tagga.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qyab galay furitaanka kulanka.