Madaxweyne xasan oo wadahadal gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Burundi

Oct 20 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Burundi, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Burundi ayaa ka wada xaajooday taageerada ciidamada Burundi ay ka geysanayaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyo sidii labada dal u xoojin lahaayeen iskaashiga xasilloonuda gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashadooda nabad ilaalinta, iyadoo labada Madaxweyne ay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More