Madaxweyne Xasan oo William Ruto kala hadlay xiisadda gobolka ee salka u ah muranka Badda
Sep 05 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto.
Kulankan ayaa dhacay inta uu socday shir-madaxeedka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka qabsoomay magaalada Beijing.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, isbedelka cimilada iyo arrimaha gobolka.
Sida madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay, Xasan iyo Ruto ayaa si wadajir ah u adkeeyay in la ilaaliyo xasilloonida iyo horumarinta gobolka, taas oo ku xiran dhowrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka dariska ah iyo la dagaallanka argagixisada.