Madaxweyne Xasan oo xarunta Wasaarada Gaashaandhigga kula kulmay taliyaha ciidanka xoogga iyo madax kale

Aug 31(Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kulamadaas ayaa ku saabsanaa xoojinta amniga iyo xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada.

Wararka ayaa intaasi kusio daraya in kulamadan lagu soo hadal qaaday xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii Ciidanka Xoogga dalka loo diyaarin lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More