Madaxweyne Xasan oo xilka la-taliyenimo ka qaaday Maxamed Qoone
Mar 16 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.