Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegey dalka Eritrea

Dec 25 ( Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey dhigiisa Asias Afawerki.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka labada dhinac, islaashiga dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegey dalka Eritrea ayaa ku soo beegantay xilli ay Dowladda Eritrea walaac ka muujisay is-fahamkii dhawaan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo xal loogu raadinayey khilaafka u dhexeya labada dal.

La taliye u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa ka digay halista ay yeelan karto in Itoobiya ay saldhig ak hesho badda Cas.

Cabdulqaadir Idiris oo wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya iyo Afrika, ayaa warbaahinta u sheegay in madmadow badan uu ku jiro heshiiska Itoobiya iyo soomaaliya ee Ankara lagu saxiixay.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee ay la galeen dowladda Soomaaliya uu ahaa mid ay Masar Eretria iyo Somaaliya ay isku afgarteen in badda Soomaaliya la difaaco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More