Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Feb. 03 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka u ah maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen, gudoomiyaha golaha shacabka sheekh Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan golayaasha Koofur Galbeed ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Shaati guduud.

Madaxweyne Xasan ayaa Baydhabo u tagay ka qeyb galka gunaanudka shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo maalmaha soo socda lagu wado in xarunta gobolka Baay lagu soo xiro.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la filayaa inuu inta uu magaalada ku sugan yahah la kulmo saraakiisha ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya oo uu kala hadli doono sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More