Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Qaahira

Aug 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan ay dowlada Masar oggolaatay inay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirto dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More