Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi

Sep 13 (Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More