Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu amba-baxay dalka Jabuuti

Jun. 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayao ayaa  goordhow u amba baxay dalka Jabuuti.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha ayaa wadankaasi uga qeyb galayo meertada 14aad ee urur goboleedka IGAD oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaasi Jabuuti.

Macluumaadka la helayo ayaa tilmaameysa in shirkan oo ah mid xasaasi ah xooggiisa diirada lagu saari doono Xaaladda cakiran ee Jamhuuriyadda Suudaan oo dagaalo culus ka socdaan oo u dhexeeya milatariga dalkaasi iyo xooggaga RSF.

Madaxweyne Xasan ayaa shirka kusoo bandhigi doono aragtida dowladda Soomaaliya ee habka ugu macquulsan ee loo joojin karo dagaalka iyo sida dowladda Soomaaliyeed ay uga xumaatay dagaalka sii daba dheeraaday ee ka socda wadankaasi.

Colaada Suudaan dadka ay saameysay waxaa kamid ah Kumanaan Soomaali ah oo u badan ardey wax ka dhiganeysay Jaamacadaha dalkaasi, dowladda Soomaaliya ayaa dhamaan muwaadiniintii ku noolaa dalkaasi kasoo saartay wadankaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More