Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta

Mar 10(Jowhar)Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u safray dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu dagaal culus ka socdo gobollo kamid ah dalka.

Wasiiro ka tiraan xukuunada iyo xubno kale ayaa madaxweynaha ku wehlinaya safarkan oo ahaa mid warbaahinta laga qariyay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato nadaxda dalka Imaaraatka Carabta oo uu kala hadli doono taageerada dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo ilaalinta midnimada dalka.

Waa socdaalkii u horreeyey ee uu ku tegeyo Abu Dhabi ka dib shir-madaxeedkii dunida ee UAE ay ku marti-qaadday Madaxweynaha Somaliland, taasi oo ay DFS ku tilmaantay xadgudub-Qaranimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More