Madaxweyne Xasan Sheekh oo xuquuqdii iyo darajadii ciidan uu lahaa u celiyay G/sare Ibraahim

Feb 03 (Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xeer Madaxweyne ugu soo celiyay xuquuqdii iyo darajadii ciidan ee uu lahaa G/sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horay usoo noqday Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

G/sare Ibraahim Macalin ayaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin uu hayay xilka Agaasimaha Heyโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qarankaย  ee Lr.ย  003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

โ€œGaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baabโ€™inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyeyโ€ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Villa Somalia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More