Magaalada Ceel Baraf oo lagu duqeyey Argagixiso qabsatay

Mar 02 (Jowhar) Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn shinaca cirka ah ka fuliyay deegaanno hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.

Qiimeynta xogta hordhaca ah ee hawlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa ay muujinaysaa in lagu burburiyay tira gaadiid ah oo sida maleyshiyaad ka tirsan Shabaa  iyo qaraxyo ay u soo diyaariyeen in ay weeraro ku fuliyaan, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka.

Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa wali ku hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada qatarta ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More