Maraykanka oo soo bandhigey hindise cusub oo xabad joojin ah dagaalka Qaza
Aug 16 (Jowhar)-Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen dhexdhexaadiyayaasha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in wadahadaladii ka dhacay magaalada Doxa ay ahaayeen kuwo miro dhal ah .
Waxay sheegaysaa in labada dhinacba la soo bandhigay soo jeedin ah in la yareeyo farqiga u dhexeeya, iyada oo la raacayo mabaadi’da lagu qeexay qorshaha uu soo bandhigay Madaxweyne Biden bishii May.
“Saraakiil sarsare oo ka socda dawladeena ayaa mar kale ku kulmi doona Qaahira ka hor dhamaadka usbuuca soo socda, iyagoo rajeynaya in la gaaro heshiis ku saabsan shuruudaha maanta,” ayaa lagu yiri bayaanka,
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu soo bandhigay hindise xabad-joojin ah oo Qaza lagu joojinayo, kaas oo soo xiraya daldaloolada haray suurtogelinayana in si degdeg ah loo fuliyo heshiiska, isla markaana waafaqsan Mabaadi’da uu dejiyay Madaxweyne Joe Biden May 31.
Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii wada-xaajoodayaashu ay Khamiistii iyo Jimcihii ku kulmeen Doha wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada xabbad joojinta.
Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in wadahadalada ay dib u furmaan si loo gaaro xabad joojin rasmi ah.
In ka badan 40,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza 93 kun oo kalana waa ay ku dhaawacmeen, tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka ay ku hayso Xamaas kadib weerarkii kooxda ee 7-dii Oktoobar.