Mareykanka iyo Isra’il oo sheegay in Soomaaliya iyo Sudan lakala dajinayo Falastiintiinta Qaza
Mar 14(Jowhar)-Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka iyo Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Suudaan kala hadleen sidii ay dhulkooda u soo dejin lahaayeen Falastiiniyiinta reer Qasa oo Trump uu doonayo in loo raro bariga Afrika, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.
Suudaan wey diidey balse mas’uuliyiinta Soomaalidu waxay wakaaladda AP u sheegeen in aysan ka warqabin arrintan oo aan weli Mareykan iyo Israa’iil kala hadal dib-u-dejinta reer Qasa.
Mareykanka iyo Israa’iil ayaa taageero maaliyadeed iyo diblumaasiyadeed ku bixinaya martigelinta reer Qasa, sida ay wakaaladdu ku warrantay.