Mareykanka oo $10 Milyan u balanqaaday cidii keenta xog lagu soo xiri karo hoggaamiyaha Taliban Haqqani
Mar 23(Jowhar)-Mareykanka ayaa u balan qaaday abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar, ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro hoggaamiyaha Taliban, Sirajuddin Haqqani, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa Sabtidii sheegay.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaalada warar Reauters ayaan ka jawaabin codsiga faallooyinka.
FBI-da Mareykanka ayaa balanqaadka abaal-marintan ku dartay shabakadeeda, iyadoo sheegtay in Haqqani “la rumeysan yahay inuu isku dubariday oo uu ka qaybqaatay weerarrada xudduudaha ee ka dhanka ah Maraykanka iyo ciidamada isbahaysiga ee Afgaanistaan.
Haqqani, oo uu dhalay taliye caan ku ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa Soofiyeedka, ayaa madax ka ahaa Shabakadda Haqqani ee awoodda badan, oo ah “koox argagixiso” oo Maraykanku u aqoonsan yahay in muddo ah loo arko mid ka mid ah kooxaha hubaysan ee ugu khatarta badan Afgaanistaan.
Kooxdan Waa mid caan ku ah adeegsiga qaraxyada, waxaana la rumeysan yahay inay soo abaabushay qaar ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee Kabul ka dhaca sannadihii la soo dhaafay.
Shabakaddan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay dishay saraakiil sarsare oo reer Afgaanistaan ah iyo inay lacag madax furasho ah ku haysay muwaadiniin reer galbeed ah oo uu ku jiro askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Bowe Bergdahl oo la sii daayay 2014-kii.
Haqqani wuxuu ku sii jiray liiska Mareykanka xitaa ka dib markii Taliban la wareegeen. Sannadkii 2022-kii, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqayn ka geystay magaalada Kabul waxa ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri. Guriga lagu dilay Al-Zawahiri ayaa ahaa guri Haqqani, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.