Mareykanka oo dhaqan galiyay amarka joojinta adeegga Tiktok

Jan 19 (Jowhar)-Mareykanka ayaa dhaqan-geliyey joojinta adeegga TikTok, cabsi ammaankiisa uga qabo  shirkaddan laga leeyahay Shiinaha darteed.

TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada aabka shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Shirkadda TikTok oo qiyaastii ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah ka helay isticmaalka aaladdaan.

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

Tobanaan dal oo ku jiraan Midowga Yurub ayaa hore uga joojiyey shaqaalaha dowladda TikTok, Soomaaliya oo mar iskudaydayna kuma guuleysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More