Mareykanka oo duqeeyay saldhigyo Xuutiyiinta ay ku lahaayeen dalka Yemen

Oct 05 (Jowhar)Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo cirka ah ku garaaceen bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin magaalooyinka Sancaa iyo Xudeyda ee dalka Yemen.

Saraakiil u hadashay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay madaafiic ku garaaceen ilaa shan xarumood oo waaweyn oo isugu jira, qeybaha ay yaallaan keydadka hubka, saldhiyo millatari iyo saanado ciidan oo ay leeyihiin kooxda Xuutiga ee taageerada ka hela Iran.

Warbaahinta Xuuriga ayaa ku warrantay in 7 gantaal ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Xudeyda, oo ah magaalo istaraatiiji ah oo leh dakad weyn. Waxay kaloo sheegeen, in afar gantaal lagu dhuftay eeriyada Siyaana ee magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

Meelaha kale ee ay ciidamada Mareykanka garaaceen waxaa ka mid ah gobolka Damar iyo gobolka kale ee Beyda ee dhanka koofurbari kaga beegan magaalada Sancaa.

Weeraradaasi cirka ahaa ayaa yimid, maalmo kaddib marki ay Xuutiyiintu ku hanjabeen in ay sii wadi doonaan howlgallada millatari ee ka dhanka ah Isra’il, waxyar kaddib marki ay soo rideen diyaarad ku aanan duuliyaha laheyn oo uu leeyahay Mareykanka oo kor mareysay hawada Yeen.

Kooxda ayaa sidoo kale todobaadki hore sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka oo marayay Badda Cas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More