Mareykanka oo duqeymo culus ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari
Mar 26(Jowhar) Sida ay ku warramayso warbaahinta ay dawladdu maamusho ee Puntland oo soo xiganaysa Xafiiska warfaafinta u qaabilsan ciidammada ee la dagaalkanka Daacish, Maraykanka ayaa xalay duqaymo diyaaradeed ka fuliyay Togga Miiraale oo ku yaalla buuralaysa Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.
Bayaan kooban ka soo baxay dawladda Puntland ayaa lagu sheegay duqaynta ay diyaaradaha Maraykanku xalay ka fuliyeen Togga Miiraale lagula beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Ururka Daacish.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqaymaha Maraykanku ee deegaannadaasi ka dhacay.
Ma aha markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dhanka cirka ka duqeeyo kooxda Daacish ee dagaalka kala soo horjeedda ciidamada Puntland oo dhinaca kale garab ka helaya Beesha Caalamka