Mareykanka oo duqeyn culus Shabaab kula eegtay magaalada Ceel Baraf
Mar 02 (Jowhar) Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn shinaca cirka ah ka fuliyay deegaanno hoos taga magaalada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.
Qiimeynta xogta hordhaca ah ee hawlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa ay muujinaysaa in lagu burburiyay tira gaadiid ah oo sida maleyshiyaad ka tirsan Shabaa iyo qaraxyo ay u soo diyaariyeen in ay weeraro ku fuliyaan, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka inta lagu guda jiray hawlgalka.
Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa wali ku hawlan dhameystirka iyo qiimeynta hawlgalada iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada qatarta ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale.