Mareykanka oo duqeyn xooggan kooxda Daacish kula eegatay deegaanka Miiraale

Mar 29(Jowhar)Dawladda Mareykanka ayaa duqeymo xoogan oo bartilmaameedyo kale duwan leh ka fulisay Buuraleyda Calmiskaat,oo ay ciidanka Puntland kula dagaalamayaan kooxda Argagixiso ee Daacish.

Duqeymaha ayaa ka dhacay goobo kale durugsan oo la aaminsan yahay in ay kusugan yihiin madaxda sare ee kooxda Argagixiso iyo dagaalamayashooda.

Miiraale ayaa leh muhiimad gooni ah, waxayna argagixisadu u aragtaa halkii u dambeysay oo ay xoog ugu dagaalamayaan, aysana jirin meel ay uga bixi karaan, maadaama Ceel biyoodyada lagu hardamayo.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa aaminsan in Daacishtii laga saaray inta badan buuraha Calmiskaad ay isku urursadeen Togga Miiraale oo ku dhow magaalada Boosaaso.  Waa goob ay adag tahay in ay galaan gaadiidka dagaalka. Sidoo kale Daacish ayaa miinooyin ku xirtay jidadka lagasoo galo togga

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More